Boolis Qabtay Warshad Soo Saaraysey Bun Been Abuur Ah (AKHRI)

Vietnam (HCTV) – Dalka Vietnam waxa lagu qabtay Warshad soo saaraysay Bun been abuur ah.

Warshaddan oo ay leeyihiin Qoys reer Vietnam ah ayaa Bunka ka samaynaysa Alaabooyin khatar ah, sida Baytariyada ay gudahooda ku jirto budada Madow iyo Ciid.

Masuuliyiinta Amniga ee Vietnam ayaa helay 77 Rodol oo Budo Madow ah, taasi oo laga saaray Baytariyo, Biyo Madow oo Baaldiyo ku jira iyo Foosto ay ka buuxaan Bayriyadu, sida uu baahiyey Wargeyska News Week oo HCTV uu Warkan ka soo xigtay.

Masuuliyiinta ayaa Warkan arrintan khatarta ah soo saaray Sabtidii Shalay.

Booliska deegaanka Dak Nong iyo Masuuliyiin ka socday Waaxda khayraadka Dabiiciga ah iyo deegaanka ayaa gaadhay halkaasi, ka dib xogo arrintan la xidhiidha oo ay ka heleen Dadka deegaankaasi.

Arrintan ayaa tilmaan ka bixinaysa khatarta ku gedaaman cabbitaannada iyagoo budo ah Dalka dibeddiisa laga soo dhoofiyo.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka