Borama: Taliyaha Booliska Awdal Oo Ka Hadlay Dhallinyaro Rasaas Ku Riday Saldhig

Boorama (HCTV) – Taliska Ciidammada Booliska ee Gobolka Awdal ee Somaliland ayaa ka hadlay Weerar koox dhallinyaro ah oo hubaysani ku qaadeen Saldhig boolis oo ku yaalla Magaalada Boorama.

Taliyaha qaybta Booliska ee Gobolka Awdal, Cabdiraxmaan Nuur Col-haye oo u warramay Telefiishanka Badda Cas 24 Tv, ayaa sheegay in dhallinyaro ka kooban 7 oo hubaysani ay habeen dhawayd ay Rasaas ku rideen Saldhig ku yaalla Magaalada Boorama, markaasi ka dibna ay baxsadeen, balse markii dambe baxsadeen.

Taliyaha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Weerarkii habeenkii dhawayd dhacay waxa fuliyey Dad nabad-diid ah, kuwaasi oo ka soo horjeeda Horumarka Gobolka ka socda.”

Taliye Col-haye wuxuu sheegay oo kale “Kooxdaasi waxay ahaayeen dhallinyaro ka kooban 7. Meel Saldhigga u jirta 400 Mitir ayay Rasaas kor u rideen, Saacaddu markay ahayd Afartii habeennimo oo wax la’, markiina way iska yaaceen.” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waanu baadhnay, haybtoodana waanu ogaanay iyo Goobta ay imika ku sugan yihiin..”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka