Al-Shabaab Oo Gubay Gaadiid U Rarnaa Shirkaddo Ganacsi Oo Kenya Laga Leeyahay

Hargeysa, (HCTV) – Weeraryahanno la rumeysan yahay inay yihiin Al-Shabaab ayaa Axadii gubay laba baabuur oo u rarnaa shirkado ganacsi  oo marayay meel ku dhow xerada H Young & Co ee ku taal Gobolka Lamu.

Wakiilka Gobolka Lamu Irungu Macharia ayaa sheegay in kooxdii weerartay ay ku tuureen waxyaabaha qarxa mid kamid ah gawaarida xamuulka ah, taasoo sababay in gawaaridu gubato.

Shaqaalihii la socday gaariga ayaa ka baxsaday falkaan kadib markii ay ka boodeen gaariga ka hor intaanu dhibaatada soo gaarin.

Mr Macharia wuxuu sheegay in ilaa afar nin oo aad u hubeysnaa oo looga shakisan yahay Al-Shabaab ay fuliyeen weerarkaan gaadmada ka dibna ay u carareen keynta u dhaw goobta.

Dhacdadan ayaa hakisay gaadiid wadada marayay muddo ku dhow hal saac iyadoo askar ka tirsan ciidamada Difaaca Kenya (KDF) iyo booliis ay goobta gaareen.

Mr Emmanuel Wanyoike wuxuu sheegay weerarkaan in uu ahaa mid lagu cabsi gelinayo shaqaalaha dhismaha si ay uga tanaasulaan mashruuca.

Weeraradan ayaa yimid sadex todobaad kadib markii laamaha amaanka ay iska caabiyeen ku dhawaad 50 nin oo hubeysan oo si weyn looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab oo ku sugnaa tuulada Pandanguo oo ku taal, Lamu.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.