Tababbarihii Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya Oo Isku Casilay Amni-Xumo Darteed

Ghana (HCTV) – Tababbarihii Xulka kubadda Cagta Soomaaliya Bashir Hayford ayaa iscasilay.

Iscasilaaddiisa ayaa timid, ka dib 11 bilood oo uu Tababbare u ahaa Xulka kubadda Cagta ee Dalkan ku yaalla Bariga Qaaradda Afrika ee Soomaaliya.

Sida ay sheegeen xogo hore, Bashir Hayford ayaa go’aansaday inuu iska casilo Xilka Tababarnimo ee Xulka kubadda Cagta ee Soomaaliya, sababo la xidhiidha amni xumo ka jirto dalkan ku yaalla Bariga Afrika.

Bashir Hayford ayaa intii uu tababbaraha ahaa ku hoggaamiyey Xulka Kubadda Cagta ee Soomaaliya inay 1:0 ku garaacaan dhiggooda Zimbabwe, tartankii loogu soo baxayey Koobta Adduunka ee ay qabato FIFA.

Bashir Hayford ayaa u dhashay Dalka Ghana, xilligana wuxuu dib ugu noqday Dalkiisa.

Warkan waxa baahiyey Pulse.com.ng oo uu HCTV ka soo xigtay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka