Khilaafka Biyo-Xidheenka Ethiopia Oo La Filayo In Lagu Soo Afjaro Washington

Washington, (HCTV) – Wasiirada Arimaha dibada ee dalalka Masar, Ethiopia iyo Sudan ayaa dib ugu noqon doona todobaadkan magaalada Washington ee caasimada dalka Maraykanka si wareeg kale oo wadahadalo heshiis dhaliya lagaga gaadho arinta khilaafka dhaamka Ethiopia. kadib markii lagu guuldaraystay xiligii kama dambaysta ahayd in heshiis la gaadho oo ku beegnayd bishii January ee la soo dhaafay.

Ilo wareedo diblomaasiyadeed oo ku sugan Washington ayaa u xaqiijiyey Warbaahinta dalka The National, in Sameh Shoukry-ga Masar, Gedu Andargachew-ha Ethiopia iyo Asma Abdallaha Sudan ay Wadahadal ku yeelan doonaan Washington Arbacada iyo Khamiista todobaadkan.

Sidoo kale Wasiirada Khayraadka Biyaha ee dalalka Sudan iyo Ethiopia, Yasser Abbas iyo Seleshi Bekele, ayaa sidoo kale la rajaynayaa inay ka qaybgalaan wadahadalkaasi.

Xoghayaha Maaliyada Maraykanka, Steven Mnuchin ayaa haggi doona wadahadalada, halka David Malpass, oo ah Madaxweynaha Bangiga Aduunka, uu ka qayb qaadan doono, sida ay ilo wareedadu xaqiijinayaan.

Waaxda Maaliyada dalka Maraykanka ayaan diyaar u ahayn inay wax jawaab degdeg ah ah ka bixiso arintan. Halka Saraakiisha arimaha dibadu ay diideen inay xaqiijiyaan kulankaasi, sida la sheegay ay haggi doonto waaxda maaliyadu Maraykanku ee arimahaasi Daamka Ethiopia lagaga hadlayo.

Washington ayaa marti galisay wareegyo dhawr ah oo dhexmaray dhinacyada ilaa bishii November, si ay isugu dayaan in heshiis laga gaadho Dhaamka Laydhka Korontada laga dhalinayo ee ay ku baxayso $4.5 billion oo dollar oo laga dhisayo wabiga Nile, kaas oo Masar ay u aragto Khatar jirta.

Masar ayaa Washington waydiisatay inay dhexdhexaadiso, halkaas oo qorshayaashii horeba lagu guuldaraystay in heshiis la gaadho 15-kii January, Qaab dhismeedka hordhaca ah ayaa la isku raacay 10 maalmood ka hor.

Waaxda Maaliyada Maraykanka ayaa sheegtay 31-kii January, in heshiiska hordhaca ah lagu gaadhay qorshaha jadwalka wadahadalka.

Hase yeeshee Masar waxay dooneysaa in Ethiopia ogolaato inay siiso ugu yaraan 40 bilyan oo mitir cubic oo biyo ah sanad walba.

Waxa kale oo ay codsatay in kaydka biyuhu ka buuxaan ee Dhaamka in ka badan muddo afar sano oo ay qorshaysatay Itoobiya, in biyuhu sii joogaan xilliyada abaaraha.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.