FBI-da Oo Markii U Horaysay Hawlgal Ka Fulinaysa (Kenya) Meel Ka Baxsan Maraykanka

Washington, (HCTV) – Wasaarada Arrimaha Dibada Maraykanka iyo Hay’adda FBI-da Maraykanka  ayaa iska kaashaday sidii ay dalka Kenya uga caawin lahaayeen “Abuurista Howlgalka Wadajirka ah ee Argagixisada (JTTF)” oo markii ugu horaysay laga samaynayo meel ka baxsan dalka Maraykanka.

Wasaarada Arimaha Dibada Maraykanku waxa ay intaasi ku dartay in hay’addan JTTF-ka ay Kenyanku uu hoggaamin doono, isla markaana uu noqon doono hay’ad baadhitaanno samaysa oo ka hortaggta argagixisada oo ku sugan Nairobi, Kenya.

Hindisahan lagu dhisayo hay’addan Wadajirka ah ee la dagaalanka Argagixisadda ee Kenya (JTTF-K) ayaa bilaabantay ka dib weerarkii al-Shabaab ay ku qaadday Hoteelka DusitD2 ee magaalada Nairobi, Kenya bishii January 16, 2019, taasoo dhalisay baahi degdeg ah oo loo qabo JTTF oo tababaro ay siiso FBI-du.

Dalka Kenya ayay FBI-du u tababari doontaa 42 baadhayaal Kenyan ah, kuwaas oo heli doona tababar 12-todobaad ah oo ku saabsan la-dagaallanka argagaxisada oo ay ku qaadanayaan Akadeemiyada FBI-da ee Quantico, Virginia ka hor inta FBI-du aanay maamulin manhajka isla markaana aanay bixin tababar ku saabsan kaalmooyinka hay’adaha kale.

Hase yeeshee waxa la sheegay in baadhitaannada ay fulin doonto JTTF-K lagu salayn doono ama la raaci doono Xeerarka iyo shuruucda caalamiga ah iyo in la barbar dhigo xuquuqda aadanaha. Maamulka sharciga ayaa laga soo saari doonaa dastuurka Kenya iyo heshiisyada caalamiga ah. Kiisaska waxaa lagu qaadi doonaa maxkamadaha Kenya, kuwaa oo dastuurka dalkaasi uu ogolaanayo la-hawlgalayaasha shisheeye in ay si guul leh uga hortagaan khatarta argagixisada.

 

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.