Koox Xag-jir Ah Oo Dishay 30 Qof, Afduubayna Dumar Iyo Carruur

Nigeria (HCTV) – Kooxo Xagjir ah ayaa dilay ugu yaraan 30 Qof, waxayna dumar iyo Carruurna ku qabsadeen ama ka afduubeen Waqooyi-bari Dalka Nigeria, gaar ahaan Gobolka Borno.

Sidaa waxa Warbaahinta u Xaqiijiyey Afhayeenka Ismaamul Gobolleedka Borno Ahmad Bundi oo Isniintii Shalay Hadlay.

Weerarkan ayaa Habeenkii Axadda ka dhacay Waddo gaadiid badan isticmaalo oo ku taalla deegaanka Auno.

Kooxda oo looga shakisan yahay inay yihiin Boko Haram ayaa weerarray gaadiid faro badan oo isugu jiray Xamuul iyo kuwo Dad siday, xilli gaadiidku taagnaa Bar Kaantarool oo ku taalla inta u dhaxaysa Auno iyo Maiduguri.

Auno ayaa 15 Mayl u jirta Magaalada Maiduguri oo ah Caasimadda Ismaamulka Borno ee Waqooyi-bari dalka Nigeria.

Kooxda Weerarka geysatay ayaa Gubay baabuurtii Dadku saarnaayeen, waxayna halkaa ku dileen dad gaadhaya 30 Qof,  halka ka kaxaysteen Carruur iyo Dumar.

Tirada Baabuurta ay kooxdu gubtay, badhna Hub ku garaacday ayaa waxa lagu sheegay 18.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka