Sudan Oo Sheegtay In Al-Bashiir Ay U Gacan Galinayso Maxkamadda Dambiyada Dagaalka Ee ICC

Khartoum, (HCTV) – Golaha Ku-meelgaadhka ah ee xukuma dalka Suudaan ayaa ku dhawaaqay maanta oo Salaaso ah inay hoggaamiyihii laga tuuray talada dalka Sudan ee Omar al-Bashir ay u gudbinayaan maxkamada Caalamiga ah ee Dambiyada dagaalka ee (ICC).

Madaxweynihii hore ee dalka Sudan Omar al-Bashiir ayaa loo haystaa dacwado ka dhan ah aadanaha, dambiyada dagaalka iyo xasuuq la sheegay inuu gaystay, sida ay ku dhawaaqeen Golaha Ku-meelgaadhka ah ee dalka Sudan.

Mr Al-bashiir ayaa sannadkii 1989 xukun millateri kula wareegay talada Suudaan, waxaana xukunka laga tuuray bishii April ee 2019-ka, isagoo kadibna loo taxaabay xabsi.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.