Midowga Yurub Oo Malaayiin Euros Ku Taageeraya Waxbarashada Soomaaliya

Muqdisho, (HCTV) – Midawga Yurub ayaa bilaabay 5.7 Milyan oo Euros mashruuc ah oo lagu taageerayo Wasaaraddaha Waxbarashada iyo Maamulada xubinta ka ah Dawladda Federaalka iyo sidii loo gaadhsiin lahaa waxbarasho tayo leh oo loo dhan yahay oo loogu talagalay dadka.

Mashruucan waxaa lagu bartilmaameedsanayaa xoojinta awoodda maamulka waxbarashada si loo maareeyo loona habeeyo waaxyaha, iyadoo la fududaynayo wadashaqeynta lala yeelanayo qaybaha kale ee ay khuseyso.

Tusaale ahaan, waxay higsaneysaa is-waafajinta siyaasadaha waxbarashada, hirgelinta qaab dhismeedka manhajka cusub, xoojinta hubinta tayada iyo nidaamyada heerarka, iyo sidoo kale hagaajinta imtixaannada iyo qiimeynta guud ahaan dalka.

“Taageeradani waxay muujineysaa sida joogtada ah ee Midowga Yurub uga go’an tahay soo kabashada Soomaaliya iyo dadkeeda. Waxay calaamad u tahay isbedel ku wajahan sii jiritaanka iyo hoggaaminta. Waxaan bogaadineynaa iskaashiga u dhexeeya mas’uuliyiinta waxbarashada iyo sida ay uga go’antahay inay si tartiib tartiib ah ugu maareeyaan adeegyada waxbarashada qaab isku mid ah,” ayuu yiri H.E. Nicolas Berlanga Martinez, Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Wasiirka waxbarashada ee dowladda federaalka, Cabdullaahi Goodax Barre, wuxuu yiri: “Dalkeennu wuxuu leeyahay awood iyo dad aad u wanaagsan. Waxaan ku faraxsanahay mashruucan waayo waxay naga caawin doontaa inaan sii horumarinno fursadahaan, kor u qaadno fursadaha waxbarasho ee dalka isla markaana aan ku soo dhaweyno jilayaasha goobtaan si ay u qaabeeyaan mustaqbalka Soomaaliya. ”

Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha waxbarashada dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed, Hirshabelle, Galmudug, Jubbaland iyo sidoo kale agaasimaha waxbarashada ee maamulka gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay daah-furka mashruucan.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.