Madaxweynaha Koonfurta Sudan Oo 10 Maamul Goboleed Ku Soo Koobaya Dalkiisa

Juba, (HCTV) – Madaxweynaha Koonfurta Sudan Salva Kiir ayaa sheegay in hanaanka dalkiisa uu ku soo koobayo 10 maamul goboleed halkii markii hore ay ka ahaayeen 32 dawladd goboleed, taas oo ah arimo ay dalbanayeen mucaaridku oo wadada u xaadhi doonta dawladd midaysan iyo in ay soo afjarto dagaalka sokeeye ee dalkaasi.

“Go’aanka aanu qaadanay maantu waa mid xanuun badan balse waa mid lagama maarmaan ah, hadii taasi ay keenayso nabad,” ayuu yidhi Madaxweynaha Koonfurta Sudan Salva Kiir oo maanta oo Sabti ah soo saaray War-saxaafadeed. “Waxaan mucaaridka ka rajaynayaa inay ahaadaan u diyaarsan inay sidaas oo kale sameeyaan.” Ayuu yidhi Intaasi Raaciyey Madaxweynaha Koonfurta Sudan.

Hase yeeshee ma jiro ilaa iyo hadda war ka soo baxay hogaamiyaha maleeshiyada ee hore u ahaan jiray Madaxweyne ku xigeenka Riek Machar.

Culays caalamiya oo ay saareen Qaramada Midooobay iyo dawlado kale ayaa ahaa inay kulmaan Kiir iyo Macahar 22-ka Bishan February si ay cududooda u mideeyaan mar kale oo ay dhisaan dawladd ku meelgaadh ah.

Wakhtiga kama dambaysta ah ee loo qabtay labada dhinac ee Kiir iyo Machar ayaa dib u dhacay laba jeer sanadkii la soo dhaafay.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.