Kenya Oo Gaashaanka Ku Dhufatay Madax-furasho $1.5 million Ah Oo Al-Shabaab Dalbatay

Nairobi, (HCTV) – Kooxda mayalka Adage ee Al-shabaab oo laba dhakhtar oo u dhashay Cuba ka afduubay waqooyi-bari dalkaasi Kenya ayaa xiligan dalbanaya madaxfurasho gaadhaysa Ksh150 million oo u dhiganta ($1.5 million) in laga bixiyo.

Labadan digtoor oo la kala yidhaa Dr Assel Herera Corea, iyo Dr Landy Rodgiruez ayaa la rumaysan yahay in Al-shabaab ay ku hayo dhulka miyiga ah ee Jubbaland, sida ay sheegayaan dad deegaamadaasi ku sugan.

Wararku waxay intaa ku darayaan in arinta ku saabsan in laga xaajoodo arintaasi uu Madaxweynaha dalka Cuba Miguel Díaz-Canel uu u xilsaaray ku xigeenkiisa Inés María Chapman Waugh inuu arinta bixinta madaxfurashadaasi uu kala hadlo dawladda Kenya.

Has yeeshee Ilo wareedyo ayaa sheegaya in kasta oo dadaallo is daba joog ah oo lagu bixinayo sidii Al-Shabaab u sii dayn lahayd labada dhakhaatar ee laga qafaashay waqooyiga-bari ee Kenya bishii Apil ee la soo dhaafay, Nairobi ayaa diiday qorshahaas.

Ilo ka imanaya dhinacyo badan ayaa xusaya in Al-Shabaab ay dalbaneyso $1.5 milyan si loo siidaayo dhakhaatiirta ay gacanta ku hayso. Waxaanay dawladda Kenya ay u dirtay qaar ka mid ah odayaasha Soomaaliyeed sanadkii hore si ay uga shaqeeyaan sii deynta labada dhakhaatar, balse dadaalkooda wax natiijo ahi lagama gaadhin.

Dalka Cuba ayaa dhaqaatiirtan usoo dirtay Kenya badhtamihii sanadka 2018 kadib heshiis dhex maray labada dal xilli shaqo joojin ay dhakhaatiirtu ku hayeen Kenya.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.