Sucuudiga Oo Ka Hadlay Laba Duuliye Oo Diyaaradoodii Ay Xuutiyiintu Soo Rideen

Riyadh, (HCTV) – Weerar aar goosi ah oo uu qaaday Sucuudigu ayay ku dhinteen 31 qof, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, kadib markii kooxda xuutiyiinta ee Iran ay ka dambayso ay sheegatay inay soo riday mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee Sucuudiga.

Diyaarada Tornado ayaa lagu soo riday gobolka Waqooyiga ee Al-Jawf maalintii Jimcihii intii lagu gudo jiray hawlal ciidamada dawladu ay taageerayeen.

Weerarkan 31-ka qof ay ku dhinteen ayaa cirka ku sii shareeraya dagaalka Waqooyiga Yemen ka socda ee labada dhinac ee dagaalamaya ay uga sii darayaan dagaalkan dhibaatada bani’aadan nimo dalkaasi ku keenay.

Labadii Duuliye ee diyaarada ayaa maqan kadib markii Maleeshiyada Iran Taageerto ee xuutiyiintu ay sheegtay inay dhulka soo dhigtay diyaaradaasi, waxaanay maqnaansha duuliyeyaashani ay uga sii dari doonaan dagaalka shanta sano socday.

Afhayeen u hadlay Isbahaysiga Sucuudiga oo magaciisa la yidhaa Turki Al-Maliki ayaa sheegay in duuliyeyaashu ay ka goosteen diyaarada intii aanay burburin maalintii Sabtidii, sida ay sheegayaan saraashiiga Sucuudiga oo la hadlay wakaalada Wararka ee Sucuudiga.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.