Heesaa Caan Ah Oo Ku Geeriyooday Saldhig Bileys

Kigali, (HCTV) – Heesaa caan ka ahaa dalka Rwanda Mizito Mihigo oo qaada heesaha Gospel-ka oo si weyn u gilgilay dalkaasi markii la xidhay sanadkii 2014-kii oo lagu eedeeyey inay inuu shirqool u dhigayey Madaxweynaha iyo masuuliyiin sarsare oo dawlada ka tirsan, ayaa geeriyooday isagoo da’diisu tahay 38 jir.

Kizito Mihigi ayaa looga shakisan yahay inuu isagu is-dilay inkastoo oo xidhnaa, waxaanay ciidamada bileysku ay sheegeen in dib loo soo xidhay mar kale saddex maalmood ka hor isagoo isku dayaya inuu dalka ka fakado.

Heesaagan ayaa lagu hayey xarunta dambibaadhista ee dalka Rwanda ee the Rwanda Investigative Bureau (RIB) oo ku taala Remera oo caasimada Kigali ah, halkaas oo la arkay isagoo soo daldalan.

“Askari ayaa arkay subaxnimadii Isniinta isaga oo soo daldalan. Waxaanu isticmaalay go’ii sariirta ee uu ku hurday inuu isku daldalo. Baadhitaan hordhac ah ayaa muujinaya in qaabka uu isku daldalay ay ahayd inuu go’a ku soo xidhay daaqada. Balse baadhitaano badan oo dheeraad ah ayaa la wadaa,” sida ay sheegtay Ms Marie Michelle Umuhoza, oo ah Afhayeenka qaybta baadhista ee Rwanda ee the Rwanda Investigative Bureau (RIB) oo la hadashay warbaahinta The EastAfrican.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.