Madaxweyne Biixi Oo ‘Wax Aan Suurto-gal Ahayn’ Ku Sheegay Socdaal Uu Farmaajo Ku Yimaaddo Hargeysa

Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in aanay suurto-gal ahayn in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo uu xilligan socdaal ku yimaaddo Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweyne Biixi oo ka jawaabayey Warar Maalmihii u dambeeyay soo baxay oo sheegayey in Raysal-wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Soomaaliya ay socdaal ku imanayaan Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in aanay taasi suurto-gal ahayn.

Madaxweynaha oo Maanta khudbad-sanadeedka 2020-ka u jeediyey Labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu Somaliland iman karo oo keliya marka uu ictiraafo Qadiyadda Madax-banaanida Somaliland.

Madaxweynaha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Hadal haynta imaatinka Madaxweynaha Soomaaliya ee Hargeysa, suurtagal maaha, mana ogolin. Sababtoo ah, sharciga Caalamiga ah, curfiga Dawladnimo iyo caqliga saliimka ahiba, waxay isku raacsan yihiin in aanu Madaxweyne Dalkiisu gaystay dambiyada iyo xasuuqa intaa leeg, in aanay suurtagal ahayn in uu booqasho ugu tago dadkii iyo dalkii dambiyada loo gaystay. Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu iman karaa kaliya Jamhuuriyadda Somaliland marka uu ictiraafo Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland. Hadal haynta imaatinka Madaxweynaha Soomaaliya iyada oo ay duruufahaasi jiraan, waxay jawaabteedu noqonaysaa, gabaygii Faarax Nuur ee ahaa ‘Qosol Been Ah, Fool Wada Qayaxan, Qiil aan Garanaayo, Booraan Afkii laga Qafilay, Qabarna Hoos Yaalo, Doqon baa Halkii Lagu Qatali, Qoorta Soo Dhigane, Ma Anigaa Middiyo La ii Qarshaa, La igu Qali Doono, Qoontiiba Lama Baananine, Qire Yaraa Nabaddu, Waar yaadha Kala Quusanaye Qoomamo la’aada’…”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka