Somaliland: Madaxweynaha Oo Furaya Ururrada Siyaasadda

Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa ku dhawaaqay inuu ku furayo Ururrada siyaasadda Somaliland.

Madaxweynaha oo khudbad-sanadeedka 2020-ka u jeediyey labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliland, ayaa sheegay in maaddaama oo labadii sannadood ee u dambeeyay ay ku lumeen muran ka dhashay qabsoomid la’aanta doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada iyo deegaannada uu go’aansaday inuu soo hor-mariyo in la furo Ururrada siyaasadda iyo Asxaabta Qaranka.

Madaxweynaha Somaliland oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Mar haddii laba sanno oo hore ay inagaga lumeen muranka Xisbiyada Mucaaradka ah ee aan sharciga ku fadhiyin, jidka kaliya ee innoo furan maanta, waa in aan soo hor-marino furitaanka Ururada Siyaasadda iyo Axsaabta Qaranka.”

Somaliland ayaa xilligan waxa ka jira Xisbiyada kala ah, WADDANI, KULMIYE iyo UCID.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka