Haweeney Seygeeda Kelli Ugu Deeqday Oo Hadda Dalbatay Inuu U Soo Celiyo

Turkey (HCTV) – Haweeney u dhalatay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Maviş Erdoğan ayaa maalmihii lasoo dhaafay qabsatay warbaahinta iyo baraha bulshada ee dalkaas, kadib markii seygeeda ay ka dalbatay in uu u soo celiyo kelli ay hadda ka hor ugu deeqday isagoo xanuunsan.

Haweeneydan iyo seygeeda oo lagu magacaabo Axmet Erdoğan ayaa aqal galay sanadkii 2006-ka, waxaana dhowr sano kadib xanuunsaday seygeeda oo laga qabtay kelliyaha.

Sanadkii 2009 ayaa cisbitaal ku yaala dalka Turkiga waxaa la seexiyay Axmet Erdogan, waxaana dhakhaatiirta ay ka deyriyeen xaaladdiisa caafimaad, waxayna ku taliyeen in uu u baahan yahay qof kale oo kelli u bixiya si noolashiisa loo badbaadiyo. Waxaa markiiba u soo istaagtay xaaskiisa oo ugu deeqday mid kamid ah kelliyaheeda.

Haweeneydan ayaa badbaadisay seygeeda, waxaana taasi ay keentay in uu caafimaado Axmet.

Hase yeeshee, horraantii bishii April ee sanadkii 2019-ka, Axmet Erdoğan waxay xaaskiisa sheegtay in uu guur qarsoodi ah la galay gabadh ay ehel yihiin oo uu ka tegay iyada oo u heysa wiil 11 sano jir ah.

Balse, Maviş Erdoğan ayaa ka cadhootay “sida ninkeeda uu ula dhaqmay”, waxayna kasoo muuqatay barnaamij ka baxa telefishenka Ahaber ee dalka Turkiga, iyadoona dalbatay in ninkeeda uu u soo celiyo kellidii ay ugu deeqday dhowr sano ka hor.

“Waxaan siiyay kellideyda, sababtuna waxay ahayd in aan noolal wadaagno,”ayay tidhi Maviş Erdoğan oo la hadleysay telefishenka Ahaber.

Waxay intaa raacisay in ninkeeda uu khiyaamay, taasina ayna ahayn wax ay fileysay. Haweeneydan ayaa sidoo kale sheegtay in qoyskiisa aanay siinin kellida markii uu u bahnaa, balse iyada ay nafteeda u hurtay.

Hase yeeshee arrintan dad badan ka yaabisay ayaa ah in seygeeda Axmet Erdoğan uu xaqiijiyay in waxwalba oo dhexmaray isaga iyo xaaskiisa, wuxuuna yidhi “maba ahaynba in ay i siiso kellideeda xilligaas”.

Ahmet Erdogan ayaa sheegay in xaaskiisa guri uu lahaa ay kaga badelatay kellida ay siisay, sidaas darteedna ayna ahayn wanaag ay u fashay. Labada dhinac ayaa midba midka kale ka eed sheegtay.

Labadooda oo kasoo muuqday barnaamij ka baxa talefishenka Ahaber oo looga hadlo dhibaatooyinka qoysaska ayaa haweeneydan waxay sheegtay in dhib badan ay u martay, balse sidaas ayna ka fileynin seygeeda.

“Ilmahaygu wuxuu galay qalliin, anniga ayaa raadsaday lacagta qalliinka oo cidna ma wedyiin, qof i taageerayna malahan, dhib badan ayaa u so maray seygeeda”, ayay raacisay hadalkeeda.

Maviş Erdogan, oo ka sheekeyneysay wixii ay kala kulantay noolasha ayaa sheegtay in wixii ka dambeeyay markii ay kellida u bixisay Axmet ay xaalad caafimaad lasoo daristay.

Haweeneydan oo ilmeyneysay iyadoo si toos ah looga wareysanayo telefishenka Ahaber ayaa sheegtay in ay ka dhaadhici weyday “waxa uu ku sameeyay seygeeda”.

“Waxaan la daalaa dhacayaa sidii aan hal kelli ugu noolaan lahaa iyo korinta cunigiisa, waxaan siiyay noolasheyda, haddana waxaan rabaa in uu kellideyda ii soo celiyo”, ayay raacisay hadalkeeda.

Sharciga dalka Turkiga ayaa dhigaya in haddii qofka uu ku deeqo xubin ka mid ah jidhkiisa kadib marka la dhameeyo qallinka aanu markaa dib u sheegan karin, maaddaama qalliinka kahor la kala saxeexdo heshiiska bixinta.

Haweeneydan ayaa haatan waxaa adkaan doonta inay dib u hesho kellideeda, maaddaama sharciga ayna waafaqsaneyn, waxaase hadalkeeda laga dheehan kara sida ay uga xun tahay qaabka ninkeeda ay sheegtay in uu ula dhaqmay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

Xigasho: BBC