Kenya: Saddex Ganacsade Oo Lagu Xidhay Bacaha Dalkaasi La Mamnuucay

Nairobi, (HCTV) – Saraakiil ka tirsan maamulka deegaanka ee dawlada dalka Kenya ee (NEMA) ayaa xidhay saddex qof oo khudrada ku iibiyaha badhtamaha magaalada Nairobi, kuwaas oo lagu helay inay bacaha la mamnuucay ay u isticmaaleen iibinta khudradooda.

Saddexdan ganacsade ayaa la xidhay Isniintii markii Askar ku jirtay hawlgal ay ku qabteen in ka badan 500 xabo oo bacaha la mamnuucay ee deegaanka wasakheeya ah.

War qoraal ah oo ay soo dhigeen Twitterka maamulka deegaanka ee dawlada Kenya oo magacooda loo soo gaabiyo NEMA ayaa sheegay inay ku heleen in bacasaasi ay ugu ridayeen dadka alaabta ay iibinayaan, waxaana la gayn doonaa maxkamada si ay u wajahaan eedaha loo haysto.

Xeerka maamulka badqaka deegaanka ee Xeer Lr 144 ayaa dhigaya in qofkii lagu qabto isagoo isticmaalaya bacaha la mamnuucay laga qaado ganaax u dhexeeya Sh2 million ilaa Sh4 million, hadii uu ganaaxaasi bixin waayana uu mutaysan doono xadhig xabsi oo gaadhaya Hal sano ilaa Afar Sano.

Kenya ayaa isticmaalka bacaha mamnuucday 2017 si ay door uga qaadato ilaalinta deegaanka iyo hoos u dhigida khashinka bacaha.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.