“Xogta Aanu Hayno, Shacabka Ayaanu La Wadaagi Doonaa…” Faysal Cali Waraabe

Hargeysa (HCTV) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in labada Xisbi Mucaarad ee WADDANI iyo UCID ay Sabtida toddobaadka dambe shir ka yeelanayaan xaaladda dalku marayo.

Faysal oo Maanta ka soo noqday socdaal uu dalka dibeddiisa ugu maqnaa ayaa markii uu Madaarka Cigaal ee Hargeysa ka soo degay wuxuu Warbaahinta u sheegay in Somaliland marayso meel halis ah oo aanu is lahayn way gaadhi doontaa.

“Somaliland waxay maraysaa meel aanan is lahayn way gaadhi doontaa..” ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID.

Guddoomiye Faysal wuxuu sheegay in Shacabka Somaliland uu ka werwersan yahay xaaladda uu dalka Somaliland marayo, sidaasi darteed ay Labada Xisbi ee UCID iyo Waddani ay Sabtida isugu imanayaan shir ay Xaaladda dalka kaga tashanayaan “Sabtida, labadayada Xisbi waxaanu isugu imanaynaa Shir, waxaanuna go’aamo ka soo saari doonaa Xaaladda dalku marayo” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Shacabka waxaanu la wadaagi doonaa xog….”

Faysal oo uu Garoonka Diyaaradaha Hargeysa ku soo dhaweeyay Hoggaamiyaha  Xisbiga Waddani,  Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa hadalkiisu imanayaa laba maalmood ka dib, markii Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu doraad sheegay inuu furayo Ururrada siyaasadda Somaliland.

 

Horn Cable Tv

Waaxda Online-ka