WADDANI Iyo UCID Oo Doonaya In Doorashada Madaxtooyada Xilligeedii Laga Soo Horraysiiyo

Hargeysa (HCTV) – Xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI Iyo UCID ayaa Maanta yeeshay shir deg-deg ah, waxay sheegeen inay ka wada-hadleen Xaaladda Dalku marayo, waxayna soo saareen Go’aamo.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo Saxaafadda u akhriyey Go’aammada ay soo saareen ayaa sheegay inay go’aamiyeen in sannadkan gudihiisa la qabto Doorasho Madaxtooyo oo xilligeedii laga soo hor-mariyey, maaddaama bay yidhaahdeen uu Madaxweyne Biixi ku fashilmay hoggaaminta Qaranka.

Guddoomiye Cirro oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Maanta waxa muuqata in Muuse Biixi uu u xuub siibtay Keligii taliye, Cagtana saaray Waddadii hore loo eeday ee Qayrkii iyo Janannadii dhagarta ku caanka ahaa ay mareen. waxa muuqata inuu burburiyey Dimuqraadiyaddii Curdinka ahayd ee la korinayey ee Tacabka badani ka galay Shacabkani, waxa muuqata inuu mijo-xaabiyey Qaranimadii Qaranka Somaliland iyo Midnimadii Shacabka oo Maanta ku jirta Jaho-wareer siyaasadeed.”

Mudane Cirro wuxuu sheegay oo kale “Labada Xisbi Qaran waxay xalka iyo Badbaadinta Somaliland ee marxaladdan aynu maanta ku jirno in Doorasho Madaxtooyo oo Xilligeedii laga soo hor-mariyo ka qabsoonto Dalka sannadkan gudihiisa, 2020, maaddaama oo uu Muuse ku fashilmay Hoggaaminta dalka. In la qabto sannadkan gudihiisa doorashooyinkii qorshaysnaa oo ay u soo horrayso doorashada Golaha Wakiilladu, isla sannadkana la qabto doorashadii Goleyaasha deegaanka..” ayuu yidhi.

Hadalka Xisbiyada Mucaaradka ah ayaa ka dambeeyay, ka markii Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu dhawaan sheegay inuu furayo ururrada siyaasadda iyo axsaabta Qaranka, maaddaama oo 2-dii sanadood ee u dambeeyay ay labada Xisbi ee WADDANI iyo UCID ku lumiyeen khilaafkii ka dhashay Komiishanka doorashooyinka Somaliland.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka