Xubno Ka Tirsan Al-Shabaab Oo Balcad Lagu Dilay

Balcad, (HCTV) – Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa shaaciyey inay howlgal ay ka fuliyeen cdeegaanno hoostaga degmada Balcad ay ku dileen xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Ururka Al-shabaab ayaa fadhiisimo ku leh deegaanno hoostaga degmada Baclad ee gobolka Shabeellaha Dhexe iyaga oo dhowr jeer oo hore weerarro kala duwan oo ay ka geysteen degmada ku dilay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Howlgalkan ay fuliyeen ciidamada dowladda Somalia ayaa ahaa mid qorshaysan sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada Somalia, iyaga oo intaa ku daray in ay sii socon doonaan ilaa inta Al-shabaab laga saarayo deegaannada ay gacanta ku hayaan.

Ma jiro dhinaca kale marka la eego wax war ah oo ka soo baxay Ururka  Al-shabaab oo ay kaga hadlayaan howlgalka lagaga dilay dagaalyahano iyaga ka tirsanaa,  kuwaasi oo ku sugnaa deegaanka Danida ee hoostaga degmada Balcad ee Shabeellaha Dhexe.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.