K. Kuuriya: Caabuqa Coronavirus Oo Laba Maalmood Ku Soo Ritay 229 Qof

South korea (HCTV) – Dawladda Koonfur Kuuriya ayaa sheegtay in caabuqa coronavirus oo dalkeeda ka dillaacay ay faafiddiisu laba jibbaarantay hal Maalin Gudaheed.

Masuuliyiinta Koonfur Kuuriya ayaa Sabtida Maanta sheegay in 229 qof oo cusub uu coronavirus ku dhacay Illaa Jimcihii oo keliya, taasina waxay tirada Dadka reer Koonfur Kuuriya ee uu caabuqani haleelay ka dhigaysaa 433.

Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka ee dalkaasi Kim Gang-lip ayaa sheegay in Fiditaanka Cudurkaasi ay weji cusub khatar ah u gudubtay.

Illaa hadda laba Qof oo reer Koonfur Kuuriya ayaa u Geeriyooday xanuunkan, waxaase laga cabsi qabaa in tirada Dhimashadu kor u sii kacdo.

South Korea ayaa noqonaysa Waddanka uu Dadka ugu badan ku soo ritay Caabuqa  coronavirus, marka laga yimaaddo Shiinaha oo uu ku dhacay Dad ka badan 76,288 Qof, kuwaasi oo ay ku jiraan 2,345 geeriyooday.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka