Ethiopia: 29 Qof Oo Ku Dhaawacmay Weerar Lagu Qaaday Isku Soo Bax Lagu Taageerayo Raysal Wasaare Abiy

Addis Ababa, (HCTV) – Dad tiradoodu ku dhawdahay 30 qof ayaa ku dhaawacmay qarax bam oo ka dhacay meel ay isugu soo baxeen taageerayaasha Raysal Wasaaraha Ethiopia, sida ay ku waramayaan saraakiisha Boolisku.

Dhacdadan ayaa ka dhacday magaalada Ambo, oo qiyaastii 100 kiiloomitir (60 mayl) dhinaca galbeed ka xigta magaalada Addis Ababa.

Arasa Merdasa, oo ah sarkaalka ugu sareeya booliiska gobolka Oromada ee dalka Ethiopia, oo ku sugan Ambo ayaa warbaahinta Itoobiya u sheegay in Boolisku ay xidheen lix qof oo looga shakisan yahay weerarka.

Abiy ma uusan soo xaadirin dibad-baxdii Axadda, oo ay soo agaasimeen mas’uuliyiinta Ambo ah. Xisbiyada mucaaradka iyo ururada bulshada rayidka ah ayaa  su’aal ka keenay in doorashooyinka August noqon doonaan kuwo nabad ah oo la isku halleyn karo, xilli ay  rabshado qowmiyadeed oo isdaba joog ah ka dhacayaan tan iyo markii uu xafiiska la wareegay Raysal Wasaare Abiy Ahmed 2018.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.