Kuwait, Bahrain, Afghanistan Iyo Ciraaq Oo Coronavirus Ka Dilaacay

Baqdaad, (HCTV) – Cururka Caabuqa coronavirus ayaa ku fiday todoba wadan oo ka tirsan Bariga dhexe, kuwaas oo ay ka mid yihiin dalalka Kuwait, Bahrain, Afghanistan iyo Ciraaq oo maanta oo Isniin ah lagu waramayo in lagu arkay kiisaskii u horeeyey ee caabuqa coronavirus.

Xanuunkan ayaa markii ugu horaysay ka dilaacay dalka Shiinaha waxaanu ilaa hada dilay tiro ka badan 2600 adoonka oo dhan ha ugu badnaato dalka Shiinuhuye, waxaanu asiibay xanuunkani toro gaadhaysa 79,000 aduunka oo dhan.

Kuwait waxay sheegtay in dalkeeda lagu arkay saddex kiis, halka Bahrain iyo Ciraaq labadooduba ay xaqiijiyeen midkiiba halkiis.

Dhinaca kale dalalka Turkiga, Pakistan iyo Armenia ayaa xidhay xadka ay la leeyihiin dalka Iran, xili dawlada dalkaasi ay ku waramayso in caabuqa caronavirus uu haleelay 43 qof iyo 12 dhimasho ah.

Dalka Shiinuhu wuxuu xaqiijiyey Axadii shalay in 150 qof oo kale ay dhinteen shalay oo kaliya.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.