Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Qasriga Madaxtooyada Casho Sharaf Ugu Sameeyey Wafti Ka Socda Taiwan

Hargeysa, (HCTV) – Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa Casho sharaf u sameeyay Wafti ka socda Hay’adda iskaashiga horumarka caalamiga ah ee Waddanka Taiwan oo lagu magacaabo International Cooperation Development Fund (ICDF) Waftigan oo muddo toddobaad ah kusugnaa dalka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa waxa uu qayb ka yahay iskaashiga labada dal ee Jamhuuriyada Somaliland iyo Dawladda Taiwan ee dhinacyada Beeraha, Caafimaadka iyo Horumarinta dhanka Tijnoolajiga.

Kulankan oo ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Beeraha Axmed Muumun Seed, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibada Liibaan Yuusuf Gaaxnuug, Gudoomiyaha Hay’adda u diyaargarowga aafooyinka iyo kaydka raashinka Faysal Cali Sheekh.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.