Turkiga Oo Tababaraya Booliska Kenya Si Loola Dagaalamo Dambiyada Abaabulan Iyo Argagixisada

Nairobi, (HCTV) – Hay’add dawladda Turkigu ay leedahay ayaa dalka Kenya ka bilawday tababarka la siinayo booliska dalka Kenya, kaas oo ujeedadiisu tahay casriyeynta hay’adaha sharci fulinta ee Kenya.

Tobobarkan oo ay bixinayaan saraakiil ka tirsan booliska Turkiga ayaa ka bilaabmay caasimada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana isku xidhka barnaamijkan wada hay’adda TIKA ee dalka Turkiga.

Iyadoo lagu tababari doono hababka dambiyada loo baadho iyo Istaraatajiyada amniga qaranka.

Sidoo kale daraasiin ka tirsan bileyska dalka Kenya ayaa baran doona sida dambiyada argagixisadu maalgaliso looga hortago.

“TIKA, Waxay bilawday tobobaro ay wadajir iskaga kaashanayaan Turkiga iyo Kenya. Waxaana dalka Turkiga ka yimid laba tababare oo ka socday Machadka Caalamiga ah ee Turkiga ee La’-dagaalanka Mukhaadaraadka iyo Dambiyada Abaabulan ee (TADOC) ayaa bilaabay barnaamijkan,” sidaasi waxa yidhi Emre Yuksek, oo ah Isku Duwaha hay’adda TIKA iyo Kenya, oo la hadlay wakaalada Wararka ee Turkiga ee Anadolu Agency.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.