Maxamed Xusni Mubaarik Oo Geeriyooday

Cairo (HCTV) – Madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Xusni Mubaarik ayaa ku Geeriyooday Magaalada Qaahira ee Caasimadda Dalkaasi.

Maxamed Xusni Mubaarik ayaa Geeriyooday isagoo Da’diisu tahay 91 Sano jir.

Maxamed Xusni Mubaarik ayaa muddo 30 sanadood ah xukumayey Dalka Masar, illaa sannadkii 2011-kii oo uu Dalka Masar ka dhacay Kacdoonkii Caanka ahaa ee sababay inuu Xukunka ka dago.

Markii Millatarigu uu xukunka ka tuuray ayaa wuxuu qirtay Dambiyo ah inuu laayey Dad ka qayb-qaatay Dibed-baxyadii Masar ka dhacay ee isaga lagaga soo horjeeday.

Dhimashadiisa ayaa waxa xaqiijiyey Warbaahinta Dawladda xilli hore oo Salaasada Maanta ah.

Website-ka Al-Watan ayaa ku warramay in Maxamed Xusni Mubaarik ku Geeriyooday Cisbitaal Millaterigu leeyahay.

Mubaarik ayaa bishii January galay qaliin, waxaanu Sabtidii  sheegay Wiilkiisa Alaa inuu ka soo raynayo Xaalad culus oo uu ku jiray, balse aakhirkii wuu Geeriyooday.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka