Maraykanka Oo Duulaan Ku Sheegay Ciidamo Dawladda Soomaaliya Geysay Gedo

New York (HCTV) – Qaramada Midoobay iyo Dawladda Maraykanka ayaa ka hadlay Ciidamo Dawladda Federaalka Soomaaliya geysay Gobolka Gedo, kuwaasi oo laga cabsi qabo inay isku dhacaan Kuwa Maamul-gobolleedka Jubbaland.

Isuduwaha arrimaha siyaasadda ee Maraykanka u qaabilsan Qaramada Midoobey Rodney Hunter oo Shalay hadal ka jeediyey fadhi ay yeesheen Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa farriin  u diray Madaxweyne Farmaajo, waxaanu u soo jeediyey inuu soo afjaro duulaan uu sheegay in Dawladda dhexe ka waddo Gedo.

“Waxaan Madaxweyne Farmaajo ugu baaqeynaa in uu soo afjaro duulaanka ay ciidanka Dowladda Federaalka ka wadaan gobolka Gedo..” ayuu yidhi, Rodney Hunter, waxaanu intaa ku daray oo Wada-hadal nabadeed ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Maamul-gobolleedka Jubbaland “Waa in (Madaxweyne Farmaajo) iyo Madaxweynaha Jubaland xoogga saaraan wada-hadal iyo dib u heshisiin..”

Sidoo kale, Ergayga Qaramada Midoobay Mr. James Swan oo isaguna War-bixin siiyey Golaha Ammaanka ayaa ka digay in Ciidammada Dawladda Federaalku geystay Gedo ay sii xumeeyaan Xiisadda halkaa ka jirta ee u dhaxaysa Dawladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland “Waxaan ogaanay in ciidamada nabad-sugidda ee la geeyay gobolka Gedo ay horseed u noqdeen xiisad sii kordheysa..”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka