Imaaraadka Carabta Oo Joojiyey Dhammaan Duulimaadyada Wadamada coronavirus Ka Dilaacay

Imaaraadka Carabta Oo Joojiyey Dhammaan Duulimaadyada Wadamada coronavirus Ka Dilaacay

AKHRI: Saylici Oo Hadal Kulul Ka Jeediyey Magaalada Boorama
Gudoomiye Cirro oo Ka Hadlay Xaaladda Siyaasadda.
Somaliland Oo Mar Kale Ka Hadashay Ciidamo Loo Samaynayo Badda Cas Iyo Gacanka Cadan
Ciidamada NISA Oo Soo Qabtay Laba Ka Mid Ururka Al shabaab
Al-shabaab Oo Weerar Culus ku Qaadday Saldhig Ciidammada Dawladdu Leeyihiin

Dubai, (HCTV) – Imaaraadka Carabta ayaa hakiyey dhamaan duulimaadyada taga iyo kuwa ka yimaadan Iran ugu yaraan todobaad, kadib markii caabuqa xanuunka coronavirus uu ku faafay dalal badan oo bariga dhexe ka tirsan oo ka yimid dhinaca Jamhuuriyada Islaamiga ah ee Iran.

Imaaraadka Carabtu waxa uu leeyahay diyaaradaha ay ka midka yihiin Emirates iyo Etihad, FlyDubai kuwaas oo duulimaadyo caalami ah ku taga Iran oo ah dal ay ku noolyihiin 80 Milyan oo qof.

Agaasimaha Maamulka Duulimaadyada Hawada ee Imaaraadka Carabta ayaa Salaasada Maanta ku dhawaaqay go’aankaasi saacado yar kadib markii la joojiyey duulimaadyadaasi.

“Dhamaan Rakaabka iyo Alaabta ka timaada ama ku socota Iran waa la hakiyey muddo hal todobaad ah, waxaana dhici karta in la kordhiyo mudadaasi,” ayuu yidhi Maamulku.

“Go’aankani waa mid lagu qiimaynayo ilaalinta dadka, oo Imaaraadka Carabtu kula soconayo diditaankan cusub ee caabuqa coronavirus.”

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.

COMMENTS

%d bloggers like this: