Dagaal Culus Oo Ka Dhacay Magaalada Dhuusa-Mareeb Ee Xarunta Dowladd Gobolleedka Galmudug

Dhuusa-Mareeb, (HCTV) – Wararka naga soo gaaraya degmada Dhuusa-Mareeb ee xarunta u ah dowlad gobolleedka Galmudug ayaa sheegaya in xiligan uu halkaa ka soconayo dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna Waljameeca.

Dagaalka ayaa qarxay kaddib markii sida goobjoogayaal sheegeen ciidamada dowladda Soomaaliya weerar ku qaadeen xarunta INJI oo ay deggan yihiin hoggaanka sare ee Ahlu Sunna Waljameeca.

Waxaa jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo labada dhinac kasoo  gaarey dagaalka wali ka socda degmad, waxaana dad ku sugan DhuusaMareeb  sheegayaan in hubka waaweyn mararka qaar la maqlayo.

Wararka ayaa intaa ku darraya in ay jiraan madaafiic ku dhacday qeybo ka mid ah xarumaha ay deggan yihiin hoggaanka sare ee Ahlu Sunna Waljameeca iyadoo guud ahaan marka la eego xaalada magaaladu tahay mid kacsan.

Wixii ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.