Soomaaliya: Madaxdii Ahlu Suna Oo Isku Dhiibay Dawladda Federaalka

Dhuuso-mareeb (HCTV) – Ka dib, dagaal socday 48 Saacadood oo u dhexeeyay Ciidammada Ahlu sunna Wal Jamaaca iyo kuwa Dawladda Federaalka Soomaaliya, waxa Magaalada Dhuusa-mareeb oo Xarun u ahayd Maamulka Ahlu Suna Wal Jamaaca ee Gal-mudug la wareegay Ciidammada Dawladda.

Sidoo kale, waxa Ciidammada Dawladda isku dhiibay Hoggaamiyeyaashii Ahlu Sunna Wal Jamaaca, kuwaasi oo ka mid yahay Sheekh Maxamed Shaakir oo sheegta inuu yahay Madaxweynaha Gal-mudug iyo Xubnihii la aragtida ahaa.

Sheekh Maxamed Shaakir oo Maanta warbaahinta la hadlay isagoo gacanta ugu jira Ciidammada Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in sababta ay Ciidammada Dawladda isugu dhiibeen tahay inay u tanaasulaan Shacabkooda, si looga baaqsado dhibaato inta soo gaadhay ka badan oo dhacda.

“Shacabkayaga ayaanu u tanaasulay, imikana waxaanu leenahay Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa laga rabaa Amniga Galmugud, waxa laga rabaa inay Ciidankii amniga u samayso Gal-mudug, masuuliyaddaasi waxaanu rabnaa inay mar labaad Dawladdu qaaddo, ma rabno in mar kale dhib nagu soo gaadho..” ayuu yidhi, Sheekh Maxamed Shaakir

Xilliga uu Warbaahinta la hadlayey Sheekh Maxamed Shaakir waxa dhiniciisa fadhiyey Sheekh Cabdirisaaq Maxamed Mire (Ashcari) iyo Saadiq Sheekh Yuusuf oo hore u soo noqday Wasiirka Amniga Gal-mudug.

 

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka