Dagaal Ciidamada Somaliland Iyo Puntland Ku Dhexmaray Tukaraq

Tukaraq, (HCTV) – Dagaal la isku adeegsaday noocyada kala duwan ee hubka ayaa Ciidamada Somaliland iyo kuwa maamul goboleedka Somalia ee Puntland ku dhexmaray deegaanka Tukaraq.

Sida uu ku soo waramayo Wariyaha HCTV ee magaalada Laascaanood Cabdirahman Olol ayaa sheegay in dadka ku sugan deegaanka Tukaraq oo uu la xidhiidhay ay u xaqiijiyeen in abaaro 9:00 subaxnimo in  ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland oo isku horfadhiya Tukarag uu halkaasi dagaal ku dhexmaray, isla markaana ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Hase yeeshee ma jiro khasaare rasmi ah oo laga soo sheegay dagaalka balse dadka deegaanka ayaa sheegay inay ku argagexeen hubka la isku adeegsaday.

Dhawaan ayay ahayd markii Taliyaha Guud ee Ciidamada Qaranka Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani uu kormeer ku tagay qaar ka mid ah fadhiisimada ciidamada Somaliland ee deegaanka Tukaraq.

Inkasta oo dadka reer guuraaga ahi ay ka qaxeen ayaa hadana labadii sanadood ee la soo dhaafay aanay wax nabadgalyo la’aan ahi aanay ka soo husboonaan deegaankaasi.

Balse todobaadkan u dambeeyey ayaa ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland ay sidoo kale ku dagaalameen deegaano hoostaga Badhan.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.