Maraykanka: Qofkii U Horreeyay Oo U dhintay Cudurka Coronovirus

Washington (HCTV) – Magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa xaalad deg-deg ah lagaga dhawaaqay ka dib markii qofkii ugu horreeyey ee qaba cudurka Coronovirus uu cudurka u dhintay.

Qofkii ugu horreeyay ayaa cudurkaasi Coronavirus ugu dhintay dalka Mareykanka, gaar ahaan gobolka woqooyi galbeed ku yaal ee Washington, halkaasi oo haatan xaalad deg-deg ah looga dhawaaqay.

Mas’uuliyiinta caafimaadka dalkaasi ayaa sheegaya in nin da’diisu tahay kontomeeyo oo xaalado caafiamad oo hore la il darnaa uu haatan cudurkaasi u dhintay.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in ay suurtagal tahay in dadka kale uu cudurkaasi soo rito, balse dal ahaan ay u diyaarsan yihiin xaalad kasta oo soo waajahdo.

Masuuliyiinta dalkaasi ayaa sidoo kale sheegay in xayiraad lagu soo rogayo dadka doonaya in ay u safraan dhanka dalka Iiraan, waxaana shacabka dalkaasi Mareykanka loogu baaqay in ayna booqan deegaannada uu cudurkaasi ka dillaacay ee waddamada Talyaaniga iyo Kuuriyada Koonfureed.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka