8 Xildhibaan Oo Ka Mid Ah Baarlamaanka Kenya Oo Tagay Muqdisho (Akhri Sababta)

Muqdisho (HCTV) – 8 Xildhibaan oo ka mid ah Mudaneyaasha Baarlamaanka Kenya ee laga soo doorto Wajeer iyo Mandheera ee Waqooyi-bari ee Kenya ayaa safar aan ujeeddadiisa la ogayn ku tagay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Safarka Xildhibaannadan reer Kenya ayaa ku soo beegmay xilli ay aad u kacsan yahay Xiisad u dhaxaysa Maamul-gobolleedka Jubbaland oo Ciidamo ka joogaan gudaha Kenya iyo Ciidamada Milletariga ee Soomaaliya oo ku sugan xuduudka Degmada Mandheera, kuwaasi oo laga cabsi qabo inay isku dhacaan.

Xildhibaannadan Soomaalida ah ee ka midka ah Baarlamaanka Kenya, waxay Muqdisho kula kulmeen Madaxda Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA, waxaana dad xog kooban ka bixiyey kulankaasi sheegeen in Soomaaliya ay Xildhibaannadan u adeegsanayso inay Kenya ku riixaan inay joojiso taageeradeeda Maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed-madoobe).

Wargeyska The Standard oo Warkan baahiyey ayaa sheegay in Siyaasiyiinta Soomaalida ee tagay magaalada Muqdisho oo fahansan siyaasadda reeraysan ee Soomaalidu ay ku lug lahaayeen Wada-hadallada Dawladda.

Xiisad sii kordhaysa ayaa ka taagan Xuduudka Mandheera ee Kenya, iyadoo Wararka laga helayo Ciidammada Dawladda Soomaaliya ee SNA ay qorshaynayaan inay qaadaan Weerarro, halka kuwa Jubbaland ee la tugmayo inay Kenya taageeraysana ay sheegeen inay diyaar u yihiin inay is difaacaan.

 Soomaaliya ayaa hore Kenya ugu eedaysay inay Gabood siisay Wasiirkii hore ee Amniga ee Jubbaland Cabdirashiid Janan, kaasi oo ka baxsaday Gacanta Dawladda Soomaaliya oo uu muddo ku jiray.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka