Tirada Dadka Ku Dhintay 16 Weerar Oo Al-shabaab Kenya Ku Qaadday 2-dii Bilood Ee Sannadkan U Horreeyay

Kenya (HCTV) – Ugu Yaraan 20 Qof oo Shacab ah ayaa ku dhintay Weerarro sannadkan gudihiisa Al-shabaab ka fulisay gudaha Dalka Kenya.

deraasad uu sameeyay Wargeyska Sunday Nation oo ka soo baxa Kenya ayaa muujinaysa in Al-shabaab ay sannadkan bilowga ah oo keliya ay gudaha Kenya ka fulisay 16 Weerar, kuwaasi oo dhammaantood ka dhacay Gobolka Waqooyi-bari ee Kenya iyo Xeebta.

Weerarradan ayaa intii u dhaxaysay bilihii January illaa February ka dhacay Garissa, Mandera, Wajeer and Lamu.

Weerarrada ayaa intooda badan ka dhacay Gaarisa, inta la diwaangeliyeyna waxa ka dhacay 8 Weerar, kuwaasi oo galaaftay Nolosha illaa 10 Qof oo ay ku jiraan Macalimiin iyo Ciidamo Boolis ah.

6 ka mid ah 8-da Weerar ayaa ka dhacay deegaanka Ijaara oo hoos tagta Gaarisa. Laba kale oo Weerarradaas ah ayaa waxay ka dhaceen Dhadhaab, halkaana waxa ku dhintay Macalimiin.

Lamu, waxa ka dhacay Afar Weerar, kuwaasi oo sababay dhimashada illaa 7 Qof, sida ay sheegayso War-bixinta Wargeyska Sunday Nation.

Weerarka Lamu Dadka ku dhintay waxa ka mid ahaa 5 Nin oo Maraykan ah, kuwaasi oo ka shaqaynayey Saldhig Ciidan oo Magaciisu yahay Manda Bay oo ku yaalla Lamu. Waxa kale oo Lamu lagu dilay Saddex Qof oo la socday Bas rakaab siday oo ka yimid Mambasa.

Weerarradaa waxa ku dhaawacmay illaa 15 Qof, waxaana jira Burbur hantiyeed, sida War-bixintu sheegtay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka