Soomaaliya: Dagaal U Dhexeeya Dawladda Federaalka Iyo Jubbaland Oo Socda

Balad-xaawo (HCTV) – Dagaal u dhexeeya Ciidammada Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul-gobolleedka Jubbaland ayaa ka socda deegaannada Degmada Balad-xaawo.

Dagaalkan oo aan illaa hadda la ogayn khasaaraha ka dhashay, ayaa dhex maraya Ciidammo Dawladda Federaalku maalmihii u dambeeyay ku daabushay Balad-xaawo iyo kuwa Jubbaland.

War-saxaafadeed ka soo baxay Maamulka Jubbaland ayaa lagu sheegay in Dagaalku socdo isla-markaana Ciidammada Jubbaland isku dayayaan inay ka xoog roonaadaan kuwa Dawladda federaalka

War-saxaafadeedka ka soo baxay Jubbaland ayaa u qornaa sidan “Ciidanka Daraawiishta Dowlad-goboleedka Jubbaland ee ku sugan degmada Beled-xaawo ayaa ka hortegay weerar ay soo qaadeen ciidankii ay muddooyinkaan Dowladda Federaalku ku daabulaysay gobolka Gedo.

Warsaxaafadeedka Jubbaland oo sii socda ayaa lagu sheegay “Ciidanka oo xilli horeba heegan la geliyey una diyaarsanaa ka guul gaadhista talaabo kasta oo ay la kulmaan ayaa jilibka u aasay ciidankii soo weeraray, waxayna ku guulaysteen in ay dib u riixaan ciidankii soo weeraray.”

Jubbaland waxay sheegtay inuu weli dagaalku socdo “Dagaalka oo weli socda ayaa ku fiday fadhiisimo ay horay ugu sugnaayeen ciidanka Xamar laga keenay, saraakiisha ciidanka Daraawiishta Jubbaland ayaa qorsheynaya in ay dhaqso u dhaqan geliyaan qorshaha xasilooni ku soo celinta degmooyinka Daawo.” ayaa lagu soo gaba gabeeyey warsaxaafadeedka Jubbaland

Ciidammada Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii hore Magaalada Beled-xaawo loo geeyay inay soo qabtaan Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan, kaasi ka baxsaday Dawladda oo muddo ku haysay Magaalada Muqdisho, laakiin Mr. Janan ayaa gudaha u galay Degmada Mandheera ee Gobolka Soomaalida Kenya, intii intaa ka dambaysayna waxay Jubbaland diyaarisay Ciidamo la dagaalama kuwa Dawladda Federaalka, taasi oo sii kicisay Xiisad siyaasadeed oo u dhaxaysay Dawladda Federaalka iyo Jubbaland, taasi oo soo jiitamaysay illaa markii dib loo doortay Madaxweynaha Jubbaland Axmed-madoobe.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka