Soomaali Loo Haysto Dilka Xaaskiisa Oo Maxkamad La Soo Taagay

USA (HCTV) – Nin Soomaali ah ayaa maxkamad lagu soo taagay dalka Maraykanka, isagoo lagu soo oogay dacwad ku saabsan in uu xaaskiisa dilay.

4-tii March ee sanadkii 2019, ayaa Muna Kuri oo ahayd xaaska Cabdicasiis Kerow waxaa maydkeedii ayaa laga helay guri ku yaal xaafadda City Heights ee magaalada San Diego ee dalka Maraykanka.

Cabdicasiis Kerow ayaa kadib la waayey, markii hoyga ay ku noolaayeen laga helay meydka xaaskiisa, taasi oo keentay in amar lagu siiyo booliiska inay soo qabtaan.

Aamina Salaad, oo ah walaasha marxuumadda, ayaa sheegtay in Kerow uu mas’uul ka ahaa dilka walaasheed ayna caddeyn buuxda u tahay markii uu baxsaday dhimashadeeda kadib iyo meydkeeda oo laga helay gurigooda.

Waxay maxkamadda ka sheegtay inuu dhowr mar la soo xidhiidhay una yimid, isagoo ku qeylinaya, “Waalashaada way iga khaldan tahay, waxay sameysaa waxyaabo anshax xumo.”  

Kerow waxaa lagu xidhay Panama 20-kii March 2019 waxaana lagu celiyay Mareykanka, halkaas oo laga sii geeyay xabsiga San Diego Central Jail, si baadhitaan loogu sameeyo kiiska loo haysto.

Dhageysiga hordhaca ah ayaa la qabtay Jimcihii 28-kii February 2020 si xeer-ilaalintu u soo bandhigto caddeyn ka dhan ah Kherow.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka