Shil Baabuur Oo Sababay Dhimashada 25 Qof Iyo Dhaawaca 62 Kale

S/A (HCTV) – 25 Qof ayaa Geeriyooday, ka dib markii bas siday Rakaab uu ku qalibmay Gobolka Xeebta ah ee Cape ee Dalka Koonfur Afrika, sida uu xaqiijiyey Wasiirka Gaadiidka Dalkaasi.

“Wararka ayaa sheegaya in Dirawalku uu gaadhiga Maamuli waayey, ka dibna uu qalibmay Basku, taasina waxay keentay inay dhintaan 25 Qof, waxaana qiyaas ahaan dhaawacmay 62 Kale…” ayuu yidhi, Wasiirka Gaadiidka Koonfur Afika Fikile Mbalula oo Qoraal soo saaray

Wasiirku wuxuu sheegay oo kale “In Hal Shil ay ku dhintaan Dad faro badan, waa Masiibo iyo Wax laga murugooda..” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Wasiirka Gaadiidka Koonfur Afrika.

Sida Al-jazeera baahisay, Baska ayaa siday Dad waayeel u badan oo Tiradoodu gaadhayso 80, kuwaasi oo u kala socdaalayey Magaalooyinka Butterworth iyo Chebe, laakiin Dadka dhintay waxa ku jiray dhallinyaro Arday ahaa.

Wasiirku waxa kale oo uu tilmaamay inay dawlad ahaan damaanad-qaadanayaan Dadka dhibaatadu ka soo gaadhay Shilkaasi.

Madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa oo isaguna shilkan naxdinta leh ka hadlay ayaa sheegay inay masiibada uu Shilkaasi sababay ay ku khasbayso inay diirradda saaraan Waddooyinka iyo Gaadiidka.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka