Doorashada Ka Dhacday Israel Ayaa Ku Guulaystay?

Telaviv, (HCTV) – Doorashada ka dhacday Israel Isniintii waxa hoggaaminaya tirada codadka ilaa iyo hadda la tiriyey oo gaadhaya boqolkiiba 90, xisbiga Likuud ee Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu, oo isagu durtaba u dagaabl dagay guusha.

Doorashadan oo noqonaysa tii saddexaad oo mudo sanad ka yar ka dhacday Israel ayaa Raysal wasaare Netanyahu waxa uu la kulmay dagaal iyo loolan adag. Kadib tartan adag oo uu la galay tialiyiii hore ee ciidamada Benny Gant zoo hogaamiyaha xisbiga Blue and White Party.

Mr Netanyahu, ayaa wajahaya maxkamad laba todobaad kadib markii lagu soo oogay dacwado musuqmaasuq, xiligan oo uu u muuqdo inuu ku guulaystay markii shanaad xafiiska ugu sareeya Israel.

Tirada dhinacyada tartamayaa ay codbixinta ka heleen ayaa si aad ah isu bedeshay iyadoo guushuna ay u xaglisay dhinaca Netanyahu oo la filayo inuu soo dhiso dawladd wadaag ah.

Xisbiga Garabka Midig iyo Isbahaysiga Netanyahu ayaa doorashadan oo loogu tartamayay kuraasida 120 kursi oo Baarlamaanka ah, waxa ay ka heleen 70.