Soomaaliya: Madaxweynaha Jubbaland Oo Doonaya In Wada-hadal Dhex Maro Dawladda Dhexe

Kismaayo (HCTV) – Madaxweynaha Maamul-gobolleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed-madoobe) ayaa ka hadlay Dagaalkii dhawaan Ciidammada Maamulkiisa iyo kuwa Dawladda Federaalka Soomaaliya ku dhex maray Magaalada Beled-xaawo ee Gobolka Gedo.

Madaxweyne Madoobe oo hadal ka jeediyey furitaankii Golaha Wakiillada Jubbaland ayaa Dawladda dhexe ee Soomaaliya ugu baaqay inay Ciidammada ka saaraan Gobolka Gedo, isagoo sidoo kalena eedaymo u jeediyey Saraakiisha Ciidammada Dawladda Itoobiya oo uu sheegay inay gacan siinayaan Ciidammada Dawladda Federaalka.

Madaxweynuhu wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in Ciidamada Haram-cad ee Dawladdu geysay Gobolka Gedo oo Turkigu soo tababbaray loo adeegsado qorshihii loo tababbaray oo uu xusay inuu ahaa la dagaalanka Al-shabaab.

Ugu horayn, wuxuu ka hadlay Dadka ku barakacay Dagaalkii Beled-xaawo “Maanta waxay noqotay in boqollaal kun oo Beled-Xaawo degganaa, ay kuleylkan March ee lagu jiro intay barakacaan aanu qof walba garaneyn halka uu joogo, waa dhaxalka ay keentay dowladnimada Soomaaliya”

Madaxweynuhu waxa kale oo uu ku baaqay “Arrinta gobolka Gedo, shuruud la`aan dowladda federaalka ha kaga baxdo, ciidankeeda haka qaaddo, haka baxdo, miiska wada hadallada aan isugu nimaadno” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu ka hadlay Ciidammada Turkigu soo tababbaray ee galay dagaalkii Beled-xaawo “Turkiga goormaan collownay oo Soomaali ciidamada uu u tababarayo ay noqdeen kuwa dadka lagu laynayo? Ama Haramcad dheh, ama Shabeel dheh ama bahal kale ugu yeedh. Waxaa la leeyahay ciidamada uu Turkigu soo tababaray ee loogu talo galay inay Al-shabaab la dagaallamaan ayaa waxay noqdeen kuwa maanta inta Beled-Xaawo iyo Doolow la keeno shacabka lagu gumaadayo. Waxaan odhan lahaa dowladda Soomaaliya wax lagu aamini kara maanta ma jirtee, hawadiinna cid kale oo noo haysa haloo dhiibo, ciidamadan la soo tabobarayana.”

Madaxweynaha Jubbaland wuxuu ku baaqay in Dawladda Qadar joojiso lacag uu sheegay inay siiso Dawladda Soomaaliya “Qadareey lacagta aad bixineyso naga daa ee waddanka dhibaatada ku ah, Turkina waxaad tabobareyso jooji oo taariikhda Soomaaliya geli doonta.” Ayuu yidhi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka