Wararkii U Dambeeyay: Coronavirus Oo Farobaas Ku Haya IRAN Iyo Talyaaniga

Tehran (HCTV) – Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee IRAN ayaa xaqiijisay in Tirada Dadka uu ku dhacay Caabuqa Coronavirus ay gaadhayso 6,000 Qof, illaa haddana  ay dhimashadu Dalkaa ka marayso 145 Qof.

Sidaana waxa xaqiijiyey Masuuliyiinta sare ee dalka IRAN oo ka hadlay xaaladdan halista ah ee ay waajahayaan Shacabka Dalkaasi.

Xilligan Iran ay dhimashadu gaadhay 145 Ruux, waxa Dadka uu Dalalka Adduunka oo dhan ku dhacay Coronavirus gaadhay 100.000 Qof.

Dadka IRAN ugu Geeriyooday Caabuqan halista ah waxa ka mid ah Xildhibaankii Labaad ee u Geeriyooda Coronavirus.

Meelaha uu sida khatarta ah ugu faafayo waxa ka mid ah Dalka Talyaaniga oo ka mid ah Qaaradda Yurub, waxaana illaa hadda uu dalkaa ku dilay 197 Qof, waxaana 49-kii Qof ee u dambeeyay ay geeriyoodeen 24-kii Saacadood ee u dambeeyay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka