Booliska Somaliland Oo Nin Ajanabi Ah Ku Qabatay Xayawaanka Caasho Badhida Oo Uu Dalka Ka Dhoofinayey

Hargeysa, (HCTV) – Ciidanka booliska Somaliland ayaa maanta gacanta ku soo dhigay nin Masri ah oo xayawaanka looyaqaan Caasho badhidda isagoo si qarsoodiya uga dhoofinayey madaarka Hargeysa.

Afhayeenka ciidanka Booliska Somaliland Faysal Xiis ayaa sheegay inuu talaagado uu alaab kale dusha ka saaray ku hoos gurey si uu dalka qarsoodi uga dhoofiyo, taas oo ay ogaadeen ciidanka xuuraanka ah ee boolisku.

“Ciidamada amniga ayaa gacanta ku soo dhigay sadex boqol oo midh oo Caasho badhi ah, waxana lagu soo qabtay ninkan masriga ah waxaanu ka soo urursaday bariga magaalada Hargeysa, isagoo dadkii reer miyiga ahaa lacag kaga bedelanaya si loogu soo ururiyo, waxaanu dhalinyartaasi usoo ururinayey siinayey maalintii toban dollar, isaguna waxa uu gaynayey qaarada Aasiya, sida Taylaan, Jabaan, indoonaysiya, kuwaasi oo uu sheegay inay xabadiiiba ka siisanayaan boqol dollar, muddo afar jeerba wuu dhoofiyey xayawaankan.”ayuu yidhi Faysal Xiis.

Afhayeenku waxaa uu sheegay inuu hada ninkaasi xidhan yahay, sharcigana la horgaynayo, isagoo dadka reer Somaliland ugu baaqay in aanay ogolaaan xayawaanka dhulkooda ku nool in dadku dhoofiyaan.

Xayawaankan caasho badhidda looyaqaan ayaa ah xayawaan dadka halis ku ah oo sida Maska oo kale ah hadii uu ku qaniinana ay u geeriyoon kartid.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.