Ujeedada Wefti Madaxweynaha Kenya U Diray Ethiopia

Nairobi, (HCTV) – Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Xoghayihiisa golaha xukuumadda, Fred Matiang u diray dalka Ethiopia si uu ula oo kulmo Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Wafdigaan ayaa ujeedadoodu tahay sidii ay Raysal Wasaaraha Ethiopia ay ugala soo hadli lahaayeen inuu qeyb ka qaato dedaallada lagu doonayo in lagu xasiliyo xiisadda u dhexeysa Kenya iyo Somalia.

Warbaahinta Kenya ayaa baahisay in Ethiopia ay cadaadis ku saartay madaxweyne Farmaajo inuu si toos ah ula hadlo Madaxweyne Uhuru si loo dajiyo xiisadaha gobolka oo aanayn ka faa’iideysan kooxda hubaysan ee Alshabaab.

Tallaabadan ayaa timid markii dalalka saaxiibada la ah Somalia ee beesha caalamku ay ku baaqeen wada-shaqeyn iyo wadahadal dhexmara mas’uuliyiinta Dowlad-goboleedka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxayna ka codsadeen in dhammaan hawl-wadeennada ay is xakameeyaan kana fogaadaan ficillo rabshado kicin kara.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.