IRAN Oo Ukrain U Diraysa Sanduuqa Madow Ee Diyaarad Ay Ku Dhinteen 176 Qof

Tehran (HCTV)  – Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee IRAN ayaa ogolaatay inay dalka Ukrain u dirto Sanduuqa Madow ee diyaarad Ukrain lahayd oo sannadkii hore soo rideen Ciidamada IRAN, xilli ay ka duushay Magaalada Tehran.

Sidaana waxa Arbacadii Shalay sheegay Masuul sare oo ka mid ah Dawladda IRAN, kaasi oo intaa ku daray in sababta Sanduuqa Madow ee diyaaradda la soo riday loogu dirayo Caasimadda Ukrain ee Kiev ay tahay in baadhitaan lagu sameeyo.

Diyaaradda oo Jet ahayd ayaa waxa gantaal ku dhuftay Ciidammada Cirka ee IRAN, xilli ay ka duushay garoon diyaaradeed oo ku yaalla Tehran ee Caasimadda IRAN, waxaana ku dhintay 176 Qof, kuwaasi oo illaa 80 ahaayeen reer IRAN.

Farhad Parvaresh oo hoggaaminaya Wefti sare oo ka socda IRAN oo Magaalada Montreal kulan kula yeeshay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan maamulka hawada ee ICAO, ayaa sheegay inay sidoo kale inay ku marti-qaadayaan dalalka xiisaynaya inay ka qayb-qaataan baadhitaanka lagu samaynayo Sanduuqa Madow ee diyaaraddii burburtay.

Wasiirka Arrimaha dibedda ee Canada oo dalkiisa ay Dad badan ka jireen kuwa diyaaradda ku dhintay, ayaa sheegay inay illaa hadda hawluhu jihada saxda u socdaan.

IRAN ayaa hore u diidanayd in lagu faro-geliyo baadhitaanka lagu samaynayo sanduuqa Madow, wallow ay markii horeba qiratay in Ciidammadeeda Cirku si kama ah u soo rideen diyaaradda.

 

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka