Somaliland: Fadhigii Golaha Wasiirrada Oo Lagaga Hadlay Coronavirus

Hargeysa (HCTV) – Fadhigii Golaha Wasiirrada ee Khamiista Maanta ka qabsoomay Xarunta Qasriga Madaxtooyada ayaa lagaga dooday qodobbo ay ka mid yihiin Caabuqa Coronavirus.

 

Sidoo kale, fadhigan waxa guddi loo saaray Shaqada iyo Shaqaalaha Dawladda iyo sidii loo horumairin lahaa isla-markaana shaqo-buur loo samayn lahaa.

 

Sidaana waxa lagu sheegay War-saxaafadeed u qornaa sidan “Fadhigii 55aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa lagaga dooday qodobo ay ka mid yihiin xaaladda Caabuqa Coronavirus, heerka waxbarashada dalka, khatarta ka dhalan karta Ayax dalka ku soo fool leh, iyo xaaladda Shaqada iyo Shaqaalaha Dawladda oo Madaxweynuhuna guddi u saaray.

Ugu horayn waxa golaha warbixin ka siiyey xaaladda Caabuqa Coronavirus, wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland oo xusay in illaa hadda dalku ka nabad-qabo oo aan cidna lagu arag astaamaha xanuunkaasi lagu garto.

 

Waxa isna golaha warbixin mugleh ka siiyey wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland heerka waxbarashada ee dalka iyo sidii deegaanada baadiyaha ah ee Magaalooyinka ka durugsan loo gaadhsiin lahaa waxbarashada.

Dhinaca kale wasiirka horumarinta Beeraha ayaa ka war-bixiyey khatarta ka dhalan karta Ayax dalka ku soo fool leh, sida lagu xusay war-bixinaha hay’adaha Ayaxa ku shaqada leh, isagoo wasiirku tilmaamay in ay u sii diyaar garoobeen ka wasaarad ahaan.

 

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo fadhigan goobjoog ka ahaa ayaa dhiniciisa ka war-bixiyey xaaladda Shaqada iyo Shaqaalaha Dawladda. War-bixintaas ka dibna waxa uu goluhu ku dheeraday dardar gelinta ku dhaqanka sharciga shaqada iyo shaqo-qorista, iyo sidii shaqo abuur loo samayn lahaa.


Ugu danbayntiina Madaxweynuhu waxa uu guddi uu hoggaaminayo Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland u saaray in ay ka soo tallo bixiyaan sidii xal waara loogu heli lahaa guud ahaan dhibaatada ka jirta shaqada iyo shaqaalaha dawladda, iyo sidii shaqo abuur loogu samayn lahaa muwaadiniinta Somaliland.

Xubnaha Guddida:


1. Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo ah Guddoomiyaha guddida.

2. Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL. Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon).

3. Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL, Mudane Maxamed Kaahin Axmed.

4. Wasiirka Waxbarashada iyo Horumarinta Sayniska JSL, Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno).

5. Wasiirka Diinta iyo Awqaafta JSL, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed.

6. Wasiirka Tamarta iyo Macdanta JSL, Mudane Jaamac Maxamuud Cigaal.

7. Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda JSL, Dr. Cabdiweli Sheekh Cabdilaahi Suufi.

8. Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga JSL, Mudane Siciid Sulub Maxamed.

9. Wasiirka Cadaaladda JSL, Mudane, Mustafe Maxamuud Cali Bile.

10. Wasiirka Horumarinta Maaliyadda JSL, Dr. Sacad Cali Shire….”

 

ALLAA MAHAD LEH

Xafiiska Saxaafadda iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL.