Maareeye Ku Xigeenka Cusub Ee Dekeda Berbera Oo Xilkii La Wareegay

Berbera, (HCTV) – Maareeyaha guud ee Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi, ayaa xilalkii u kala wareejiyey Maareeye ku xigeenka cusub ee Dekeda Cumar Abokor iyo Maareeye ku xigeenka hore ee dhowaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Biixi Cabdi ka qaaday Xilkii Cabdilahi.

Munaasibada Xil wareejinta, ayaa ahayd mid si heer-sare ah loo soo agaasimay, waxana kasoo qaybgalay marti-sharaf aad u tiro badan. Ugu horayn waxa halkaa hadal soo Dhoweyn ah ka jeediyey Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi, waxanu yidhi,

“Runtii Haayada Dekedaha Somaliland, waxay kamid tahay Haayadaha ugu miisaanka weyn, waayo?, waa dhuuntii Umadda wax usoo Marayeen, oo ay Shaqaale badani u shaqo-tagaan, taasi waxay ku tusaysaa muhiimada ay Qaranka ugu fadhida.

Intii Dp World la wareegtay qaybta dejinta iyo raarista Dekeda Berbera, shaqadii Dekeda wax badan baa iska bedelay, waana la casriyey, sidaas daraadeed waxa ku Leeyahay Maareeye ku xigeen Cumar Abokor kusoo dhowow Dekeda Berbera, hore ayaad xil halkan uga soo qabatay, ku-gu-mana cusba, balse waxa kugu cusub shaqadii oo balaadhatay, iyo Dekedii oo Isbedel horumarineed kusoo kordhay.

Ka Maareeye ahaan waxan diyaar kula ahayn inaynu u wada-shaqayno, sidii aan u wada-shaqayn jirnay masuulkii ka horeeyey”. Ayuu yidhi Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi.

Waxa kaloo iyaguna halkaa ka hadlay Masuuliyiin kala duwan, kuwasoo Maareeye ku xigeenka cusub soo dhoweeyey, isla markaana boggaadiyey shaqada iyo horumarka Balaadhan ee Dekeddu ku talaabaatay, Masuuliyiintii madashaa Hadalka iskaga daba-martay waxa kamid ah labada masuul ee xilalka la kala wareegay, Kayd Cabdilahi Xandule oo isna kamid ah Guddida sare boodhka Dekedaha, Badhasaabka gobolka, xoghayaha dawlada hoose Berbera, iyo weliba Masuuliyiin kale oo tiro badan.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.