Xildhibaan Ilhaan Cumar Oo Shaacisay Inay La’ Aqal Gashay Tim Mynett

Minnesota, (HCTV) – Xildhibaan Ilhaan Cumar oo asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya, kana mid ah aqalka Congress-ka dalka Maraykanka ayaa shaacisay inay la aqal gashay saygeeda cusub ee Tim Mynett.

Warbaahinta Fox News ee dalka Mareykanka ayaa ku soo warrantay in xildhibaanad Ilhaan Cumar oo katirsan aqalka Kongreska ee dalka Mareykanka, lagana soo doorta Minesota ay shaacisay inay aqal gashay.

Ilhan ayaa barteeda Instagram-ka soo dhigtay sawir iyada iyo seygeed cusub ee Tim Mynett. Tim ayaa horay u ahaa lataliyaha Ilhan Cumar ee arrimaha siyaasadda.

“Waan guursaday, waxaan lamaane ku ahayn siyaasadda, haddana waxaana ku nahay noolasha, waa barako, Alxamdulilaah”, ayay Ilhan ku qortay sawir ay soo dhigtay barta ay ku leedahay Instagram-ka.

Xiriirka haasaawe ee Ilhan Cumar iyo Mynett ayaa soo shaac baxay sanadkii la soo dhaafay kadib markii xaaska ay wadajoogeen Mynet, oo lagu magacaabo Beth Mynett oo 55 sano jir ah ay dalbatay furriin.

Mynet ayaa haatan Ilhan Cumar u qaabilsan dhinaca ololaha doorashada.

Warbaahinta Fox News ayaa ku soo warrantay in xaaska Mynett ay dalbatay furiin ka dib markii ay tuhuntay in saygeeda uu xidhiidh jaceyl la leehay Ilhaan Cumar.

Sidoo kale bishii Oktoobar ee sanadii hore, Ilhan Cumar ayaa dalbatay inay kala tagaan seygeedi hore, Axmed Xirsi. Saddex carruur ah ayay isu dhaleen. Xirsi ayaa dhowr bil kadib ku aqal galay Soomaaliya.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.