General Nasser Shabani, Taliyihii Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran Oo U Geeriyooday Coranavirus

Tehran, (HCTV) – General Nasser Shabani, oo ahaa taliyihii ciidamada ilaalada kacaanka Iran ayaa u geeriyooday cudurka coronavirus, ama COVID-19, sida ay soo baahisay wakaalada wararka ee Fars.

Mr Shabani, Taliyana Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran ayaa qada ciidamada bilaabay sanadkii 1982, oo ah xilligii Dagaalkii Iran iyo Ciraaq dhexmaray.

Ka sokow Shiinaha, Talyaaniga iyo Koonfurta Kuuriya, Iran ayaa ka mid ah dalalka dhibaatada cururka Coronavirus sida daran u saameeyey tan iyo markii uu cudurku dillaacay bishii December ee sanadkii la soo dhaafay.

Tirada dadka ugu dhintay virus-ka dalka Iran ayaa gaadhay 514, sida uu baahiyey telefishanka dawladda Iran Jimcihii Shalay.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in 85 qof ay dhinteen 24-kii saac ee la soo dhaafay, halka 1,289 xaaladood oo cusub la soo saaray, taasoo tirada guud ee la xaqiijiyay ay gaadhayso 11,364.

Geerida guud ee cudurkaan ayaa ku badan 5,000, iyada oo in kabadan 132,500 kiisas ah la xaqiijiyey, sida laga soo xigtay Ururka Caafimaadka Adduunka.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.