Soomaaliya Oo Pakistan Iyo Iran Uga Digtay Kalluumaysiga Sharci Darada Ah

Muqdisho, (HCTV) – Dawladda Soomaaliya ayaa caawimaad weydiisatay ciidamada la-dagaallanka budhcad-badeednimadu inay gacan ka gaystaan qabashada 43 doonyood oo ka soo kala jeeda Pakistan iyo Iran, kuwaas oo hawlo kalluumeysi oo sharci-darro ah ka sameeya biyaha Soomaaliya ee Geeska Afrika.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku eedaysay labadan dal inay sii wadaan kalluumeysiga sharci darrada ah ee biyaha Soomaaliya, waxaanay ugu digeen doomahan inay saari doonaan ama ku ciqaabi doono ganaax aad u culus marka ay qabtaan.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Soomaaliya, taas oo sheegtay in 43 doonyaha kalluumeysiga ah ay inta badan hawlahooda sharci darada ah ka fuliyaan gobollada Puntland iyo Galmudug.

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda C / llaahi Bidhaan Warsame ayaa ka digay in budhcad badeeda Soomaalida ay dib u bilaabi karaan hawlihii ay ka wadeen gobolka oo ay sababi doonto kalluumeysiga sharci darada ah ee kusoo kordhay biyaha Soomaaliya.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.