Wararkii U Dambeeyay: Dilka Taliyihii Sirdoonka Somaliland Ee Sool Iyo Dad Loo Soo Xidhay

Laascaanood (HCTV) – Magaalada Laascaanood waxa Xalay dablay hubaysan ku dileen Taliyihii Ciidamada Sirdoonka Somaliland ee Gobolka Sool, Cabdiqani Guhaad Xasan.

Illaa hadda lama oga Cidda ka dambaysa dilka Taliyaha Sirdoonka Somaliland, laakiin Taliyaha Booliska Gobolka Sool ee Somaliland Axmed Cabdullaahi Cabdi ayaa sheegay in ka dib dilka Taliyaha howlgal ay sameeyeen ciidamada Booliska magaalada Laascaanood ay tiro dad ah u soo qabteen dilka.

Waxaa uu sheegay Taliyaha in dad la tuhusan yahay  gacanta ku haayaan,isla markaana ay ku wareejin doonaan hay’addaha Garsoorka Soomaaliland si baadhitaano loogu sameeyo.

Taliye Guhaad ayaa Gacanta ku hayey Kiiska Dilkii Guddoomiyihii Maxkamadda Gobolka Sool ee Somaliland Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo ku dhintay Qarax gaadhigiisa loogu xidhay, dhowr Toddobaad muddo laga joogo.

Horn Cable Tv kala soco Wixii Warar ah ka soo kordha Dilka Taliyaha Ciidammada Sirdoonka Somaliland ee Gobolka Sool.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka