AWAAMIIR CUSUB: Somaliland Oo Xaalad Deg-deg Ah Galaysa 19-ka March, ka Hor-tagga Coronavirus Awgeed

Hargeysa (HCTV) – Guddiga Qaran ee Madaxweynaha Somaliland u magacaabay u diyaar-garowga iyo Ka hor-tagga Cudurka Coronavirus ayaa soo saaray Awaamiir, kuwaasi oo dhammaantood la fulinayo 19-ka bishan March, 2020.

Guddiga ayaa soo saaray Awaamiir faro badan oo ay ka mid yihiin in Dugsiyada Waxbarashada la xidho muddo 4 Toddobaad, inaan Dalka dibedda looga saari karin Daawooyinka, in la joojiyo isku imaanshiyaha Dadweynaha, Xafladaha iyo sidoo kale in la soo koobo wakhtiyada Salaasadaha.

Halkan hoose ka Akhri Awaamiirtaasi oo dhamaystiran

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka